1 / 13

الأربعين النووية Al -Arbac ii n An-Nawawiyyah Waxaa Turjumay: Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed

الأربعين النووية Al -Arbac ii n An-Nawawiyyah Waxaa Turjumay: Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed. الأربعين النووية ا ثنان و أربعون حديثاً من أحاديث النبي صلى الله عليه و سلم عليها مدار الإسلام ، جمعها الإمام النووي رحمه الله تعالى . Al-Arbaciin An-Nawawiyyah

Download Presentation

الأربعين النووية Al -Arbac ii n An-Nawawiyyah Waxaa Turjumay: Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed

An Image/Link below is provided (as is) to download presentation Download Policy: Content on the Website is provided to you AS IS for your information and personal use and may not be sold / licensed / shared on other websites without getting consent from its author. Content is provided to you AS IS for your information and personal use only. Download presentation by click this link. While downloading, if for some reason you are not able to download a presentation, the publisher may have deleted the file from their server. During download, if you can't get a presentation, the file might be deleted by the publisher.

E N D

Presentation Transcript


  1. الأربعين النووية Al-Arbaciin An-Nawawiyyah Waxaa Turjumay: Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed

  2. الأربعين النووية اثنان و أربعون حديثاً من أحاديث النبي صلى الله عليه و سلم عليها مدار الإسلام ، جمعها الإمام النووي رحمه الله تعالى. Al-Arbaciin An-Nawawiyyah Waa laba iyo afartan xaddiis oo xadiiskii Nabiga nnk ka mid ah oo islaamku ku koobanyahay, waxaa soo ururshay al-Imaam an-Nawawi Eebbe kor ahaayee ha u naxariistee

  3. عن أمير المؤمنين أبي حفص عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: إنما الأعمال بالنيات و إنما لكل امرئ ما نوى فمن كانت هجرته إلى الله ورسوله فهجرته إلى الله ورسوله ومن كانت هجرته لدنيا يصيبها أو امرأة ينكحها، فهجرته إلى ما هاجـر إليه Acmaasha oo dhan waa niyada qof kastana wuxuu leeyahay wixii uu niyaysto, kolka qofkii hijradiisu ahayd Ilaahay iyo Rasuulkiisa dartood, hijradiisu waa Ilaahay iyo Rasuulkiisa dartood, qofkii hijradiisu ahayd adduun uu haleelo dartiis ama haweenay uu guursado darteed, hijradiisu waa wixii uu u soo haajiray dartood الحديث الأول Xaddiiska 1aad رواه الإمامالبخاري: هو المحدّثين أبو عبدالله محمـد بن إسماعيل بن إبراهيم بن المغيرة بن بردزبه البخاري الجعفي. والإمام مسلم: هو أبو الحسين مسلم بن الحجاج بن مسلم القشيري النيسابوري.

  4. عن عمرَ رضيَ اللهُ عنهُ قال: بَينَما نحنُ جُلوسٌ عندَ رسولِ الله صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم ذاتََ يومٍٍ إذ طلعَ علينا رجل شديد بياض الثياب ، شديدُ سواد الشعر، لا يرى عليه أثر السفر ولا يعرفه منا أحد، حتى جلس إلى النبي صلى الله عليه وسلم فأسند ركبتيه إلى ركبتيه ووضع كفيه على فخذيه وقال: يا محمّد أخبرني عن الإسلامفقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: Imaam Cumar Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyay in uu yiri: Annaga oo agfadhina Nabiga nnk maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin inoo yimid kaas oo dhar aad u cad watay, timihiisuna aad u madoobaayeen, aysanna ka muuqan korkiisa diiftii safarka, mid inaga mid ahna uusan aqoonin, intii uu Nabiga agfariistay, kolkaas buu jilbihiisi jilbahiisa cusjiyay oo sacabadiisa cajiradiisa dul saaray oo yiri: Muxamadow wax iiga sheeg Islaamka, kolkaas buu yiri Nabigu nnk: الإسلام أن تشهد أن لا إله إلا الله، وأن محمداً رسول الله وتقيم الصلاة وتؤتي الزكاة وتصوم رمضان وتحج البيت إن استطعت إليه سبيلاًقال: صدقتفعجبنا له يسأله ويصدّقه، قال: فأخبرني عن الإيمانقال: أن تؤمن بالله وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر وتؤمن بالقدر خيره وشره قال: صدقتقال: فأخبرني عن الإحسانقال: أن تعبد الله كأنك تراه فإن لم تكن تراه فإنه يراكقال: فأخبرني عن الساعة قال: ما المسؤول عنها بأعلم من السائلقال: فأخبرني عن أماراتهاقال: أن تلد الأمة ربتها وأن ترى الحفاة العراة العالة رِعاء الشاء يتطاولون في البنيانثم انطلق فلبثت ملياً ثم قال: يا عمر أ تدري من السائل؟ قلت: الله ورسوله أعلم، قال: فإنه جبريل أتاكم يعلّمكم دينكم - رواه مسلم Islaamku waa in aad ka markhaatikacdo in uusan Ilaah aan Eebbe ahayni jirin, iyo In Muxamad rasuulkii Ilaahay yahay, oo salaadda oogto, oo sekada bixdiso, oo soonka soontid oo xajka gudatid haddii aad awooddid. Wuxuu yiri: Waa runtaa. Kolkaas baan la yaabnay, wuu waydiinayaa waa runtaana wuu leeyahay. Wuxuu yiri: Iimaanka iiga warran. Wuxuu yiri (Nabigu) Waa in aad Eebbe rumayso iyo malaa’iktiisa iyo kutubtiisa iyo rasuulladiisa iyo maalinta qiyaamaha iyo in aad qaderka rumayso khayrkiisa iyo shartiisa. Wuxuu yiri: waa runtaa. Ee Ixsaankana iiga warran. Wuxuu yiri (Nabigu): waa in aad Eebbe u caabuddo sidi adiga oo arkaya, maxaa yeelay haddii aadan arkayn asiga ayaa ku arkaya. Wuxuu yiri: iiga warran Saacadda (qiyaamaha). Wuxuu yiri (Nabigu): Midka la waydiinayaahi (Nabiga) kagama aqoon badna midka waydiinaya (Jibtiil). Wuxuu yiri: wax iiga sheeg calaamada heeda. Wuxuu yiri (Nabigu): waa in ay dhasho haweenaydu sayidaddeedii iyo in aad aragto kaba laawayaasha qaawan ee cayrta ah ee ariga dhaqan jiray oo isugu faanaya dhismaha, Kadibna wuu baxay. Kolkaas buu wax yar nagaaday (Nabigii) markaas buu yiri: Cumarow ma garanaysaa midkan wax i waydiinaya? Waxaan iri : Eebbe iyo Rasuulkiisa ayaa iga og. Wuxuu yiri (Nabigu): Waa Jibriil oo idiin yimid si uu diinkiinna idiin baro. الحديث الثاني Xaddiiska 2aad

  5. عن أبي عبد الرحمن عبد الله بن عمر بن الخطاب رضي الله عنهما قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: بني الإسلام على خمسٍ؛ شهادة أن لا إله إلا الله وأن محمداً رسول الله، وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة، وحج البيت، وصوم رمضان.رواه البخاري ومسلم Islaamka waxaalagu dhisay shan: Ashahaatinka Ilaah in aan Ilaah kale jirin, iyo In Muxamad rasuulkii Eebbe yahay, iyo oogidda salaadda, iyo bixinta sekada, iyo gudashada xajka iyo soomidda rabadaanka. Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim الحديث الثالث Xaddiiska 3aad

  6. عن أبي عبد الرحمن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال : حدّثنا رسول الله صلى الله عليه وسلم وهو الصادق المصدوق : إن أحدكم يُجمع خلقه في بطن أمه أربعين يوماً نطفةً ثم يكون علقةً مثل ذلك ثم يكون مضغةً مثل ذلك، ثم يُرسل إليه المَلَك فينفخ فيه الروح ويؤمر بأربع كلمات: بكَتْب رزقه وأجله وعمله وشقي أو سعيد، فو الله الذي لا إله غيره إن أحدكم ليعمل بعمل أهل الجنة حتى ما يكون بينه وبينها إلا ذراع، فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل النار فيدخلها، وإن أحدكم ليعمل بعمل أهل النار حتى ما يكون بينه وبينها إلا ذراع فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل الجنة فيدخلها. رواه البخاري ومسلم Midkiin waxaa lagu ururshaa uuntiisa uurka hooyadiis afartan maalmood biyo ahaan kadibna wuxuu ahaanayaa dhiig intaa oo kale kadibna wuxuu ahaanayaa cad intaa oo kale, kadibna waxaa loo soo diraa malak ku afuufaa ruuxa waxaana la faraa afar kelimadood: In la qoro risqigiisa iyo ajalkiisa iyo camalkiisa iyo in uu dhulaawe yahay ama dhur leeyahay, waxaan ku dhaartay Ilaaha aan Ilaah asiga ahayni jirine midkiin waxaa dhacda in uu falo falkii ahlu jannada inta aanay u dhaxayn asiga iyo ayada dhudhun wax aan ahayn, kolkaas baa qoraalkii ka hormaraya kolkaas buu falayaa falkii ahlu naarka kolkaas buu gelayaa (naarta), midkiinna waxaa dhacda in uu falo falka ahlu naarka inta aanay u dhaxayn asiga iyo ayada wax aan dhudhun ahayn kolkaas baa qoraalku ka hormarayaa kolkaas buu falayaa falka ahlu jannada kolkaas buu gelayaa (jannada). Waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo Muslim الحديث الرابع Xaddiiska 4aad

  7. عن أم المؤمنين أم عبد الله عائشة رضي الله عنها قالت : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو رَدٌ.رواه البخاري و مسلم Qofkii ku soo dara arrinkeenan (diinka) wax aan ka mid ahayn, midkaas waa la diiday.Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim الحديث الخامس Xaddiiska 5aad وفي رواية لمسلم :Riwaayo Muslim leeyahayna من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رَدٌ Qofkii fala fal aanan annagu farin, midkaas waa la diiday

  8. عن أبي عبد الله النعمان بن بشير رضي الله عنهما قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:: إن الحلال بيّن، وإن الحرام بيّن وبينهما أمور مشتبهات لا يعلمهنّ كثير من الناس، فمن اتقى الشبهات فقد استبرأ لدينه وعرضه، ومن وقع في الشبهات وقع في الحرام كالراعي يرعى حول الحمى يوشك أن يرتع فيه، ألا وإن لكل ملك حمى ألا وإن حمى الله محارمه ألا وإن في الجسد مضغة إذا صلحت صلح الجسد كله، وإذا فسدت فسد الجسد كله ألا وهي القلب. رواه البخاري و مسلم Xalaashu way muuqataa xaaraantuna way muuqataa, waxaana u dhaxeeya labadaa waxyaabo isu eg (mushtabaat) oo aanay dadka in badani garanayn, kolka qofkii ka dhowrsada mushtabahaatka wuxuu dhowrtay diintiisa iyo nasabkiisa, qofkii ku dhaca mushtabahaatkana wuxuu ku dhacay xaaraanti sidi qowsaar daaqsaday (xoolihii) seeraha agagaarkiisa waxaa kaga baqaa in ay (xooluhu) galaan seeraha, war hooy, boqor kasta wuxuu leeyahay seere hooy seeraha Ilaahayna waa waxyaabaha uu xaaraameeyay war hooy jirka waxaa ku jira cad haddii uu tooso uu toosayo jirka oo dhan, hadii uu xumaadana jirka oo dhan baa xumaan war hooy taasi waa qalbiga.Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim الحديث السادس Xaddiiska 6aad

  9. عـن أبي رقية تميم بن أوس الداري رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: الدين النصيحة، قلنا: لمن؟ قال: لله ولكتابه ولرسوله ولأئمة المسلمين وعامتهم. رواه مسلم Diinku waa waano, waxaan dhahnay: yuu u yahay? Wuxuu yiri: Eebbe ayuu u yahay iyo kitaabkiisa iyo rasuulkiisa iyo imaamyada muslimiinta iyo caamadooda. Waxaa weriyay Muslim الحديث السابع Xaddiiska 7aad

  10. عن ابن عمر رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: أُمرت أن أقاتل الناس حتى يشهدوا أن لا إله إلا الله وأن محمداً رسول الله ويقيموا الصلاة ويؤتوا الزكاة فإذا فعلوا ذلك عصموا مني دماءهم وأموالهم إلا بحق الإسلام وحسابهم على الله تعالى.رواه البخاري ومسلم Waxaa la I faray in aan dadka la dagaalo inta ay ka markhaati kacayaan in aan Eebbe mooye Ilaah kale jirin iyo in Muxamad rasuulkii Eebbe yahay oo ay salaadda oogaan oo ay sekada bixiyaan hadii ay taas falaan waxay iga magangelsheen dhiiggooda iyo hantidooda wixii aan xaqa Islaamka ahayn xisaabtoodana Eebbe ayaa loo dayn kor ahaayee. Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim الحديث الثامن Xaddiiska 8aad

  11. عن أبي هريرة عبدالرحمن بن صخر رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ما نهيتكم عنه فاجتنبوه، وما أمرتكم به فأتوا منه ما استطعتم فإنما أهلك الذين من قبلكم كثرة مسائلهم واختلافهم على أنبيائهم. رواه البخاري و مسلم Waxaan idinka reebo ka dheeraada, wixii aan idin farana la imaada intii aad awooddaan, wax kale ma ahee, waxaa halaagay kuwii idinka horreeyay su’aala badnidooda iyo in ay isku khilaafeen nabiyaashooda. Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim الحديث التاسع Xaddiiska 9aad

  12. عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إن الله تعـالى طيب لا يقبل إلا طيباً و إن الله أمر المؤمنين بما أمر به المرسلين فقال تعالى : يا أيها الرسل كلوا من الطيبات واعملوا صالحاً، وقال تعالى: يا أيها الذين آمنوا كلوا من طيبات ما رزقناكمثم ذكر الرجل يطيل السفر أشعث أغبر يمد يديه إلى السماء : يا ربِّ .. يا ربِّ ، ومطعمه حرام ومشربه حرام ، وملبسه حرام ، وغذي بالحرام فأنى يستجاب له. رواه مسلم Eebbe kor ahaayee wuu wanaagsanyahay mana aqbalo wax aan wanaagsanayn Eebbana wuxuu faray mu’miniinta wixii uu nabiyaaasha faray kolkaas buu yiri: « Nabiyaalow cuna qaar ka mid ah waxyaabaha xalaasha ah fala wanaaggana, waxaa kale ee uu yiri kor ahaayee: Kuwa rumeeyayow cuna qaar ka mid ah wixii aan idinku dheefinay, kadibna wuxuu sheegay ninka safar dheer gelaya asiga oo diifooday oo dambasoobay ee gacmahiisa samada u taagaya: Eebbow..Eebbow, cuntadiisuna xaraan tahay cabitaankiisuna xaaraan yahay, hugiisuna xaaraan yahay, xaaraanna ku dharaartay kolka sidee looga aqbalayaa.Waxaa weriyay Muslim الحديث العاشر Xaddiiska 10aad

  13. Akhri xaddiiska 11aad ilaa 20aad

More Related