1 / 55

XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad - Barwaaqo

XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad - Barwaaqo. TABABARKA XUBNAHA XISBIGA MIDNIMO QARAN. TABABARKII 2aad. FAHAMKA BARNAAMIJKA SIYAASADEED EE XISBIGA MIDNIMO QARAN. July 3 – 2014 Muqdisho - Somalia. GOGOLDHIG:

devon
Download Presentation

XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad - Barwaaqo

An Image/Link below is provided (as is) to download presentation Download Policy: Content on the Website is provided to you AS IS for your information and personal use and may not be sold / licensed / shared on other websites without getting consent from its author. Content is provided to you AS IS for your information and personal use only. Download presentation by click this link. While downloading, if for some reason you are not able to download a presentation, the publisher may have deleted the file from their server. During download, if you can't get a presentation, the file might be deleted by the publisher.

E N D

Presentation Transcript


  1. XISBIGA MIDNIMO QARANMidnimo – Nabad - Barwaaqo TABABARKA XUBNAHA XISBIGA MIDNIMO QARAN

  2. TABABARKII 2aad FAHAMKA BARNAAMIJKA SIYAASADEED EE XISBIGA MIDNIMO QARAN July 3 – 2014 Muqdisho - Somalia

  3. GOGOLDHIG: Tan iyoburburkiidawladdiidhexe1991, Soomaliyawaxaykuguuldaraysatayinaydhistodawladxasilisadalka. Si loogabaxoxaaladdaas, Somaliayawaxay u baahantahaydib-udhisqaranoodhanwalbaleh. Si loo gaaroyoolkanwaa in la helaaaxsaabsiyaasadeed, siloogagudbobeel-wax-ku-qaybsigaloogunatallabsadodoorashoxor ah. Si loo xaqiijiyoarrintaasayaala asaasayXisbigaMidnimoQaran 26kii febraayo 2014.

  4. Xisbigu wuxuu qortay barnaamij siyasadeed oo qabyo qoraal billow ah oo ka tarjumaya aragtida Xisbigu, oona tusmaynaya wuxuu xisbigu kaga duwanyahay axsaabta kale dalka. Barnaamijkan waxa si ku-meel-gaar ah u ansixiyay golaha dhexe ee Xisbiga MQ shirkiisii 1aad oo ka dhacay Moqadisho 30kii may 2014, dib-u-eegisna lagu sameey doono 2 sano gudohooda. Barnaamijakan qabyo qoraalka wuxuu ka kooban yahay 16 qodob oo xisbigu u arkay in ay muhiim u yihiin jidka dib-udhiska qaran iyo midka dawladeed.

  5. 16ka Qodob ee Barnaamajka Xisbiga

  6. MAAMULKA • Maamul xumadu waa sababta ugu wayn ee qaran-jabka Soomaaliya, waana tan ugu wayn ee caqabada ku ah dib-u-dhiska maanta. • Siyaasadda xisbiga ee  dhinaca maamulku waa “In la dhiiri-galiyo sidii loo abuuri lahaa isla-xisaabtan cad, loogana hortago maamul-xumo, musuq iyo cashuurta oo lala fakado”.

  7. Xisbiganawuxumaamulkakuhagidoonaaxaqiijintatiirashamaamulkasuuban: • Isla-xisaabtankacadcad (acountability); • Xuquuqloosimanyahay (equalopurtunity); • Hirgalintasharicga; • Tixgalinayadoorkadeeq-bixiyayaashaiyomaalgeshiga; • Qaab-dhismeeddawladeedoomacquula (feasible structure); • Shaqokudhisanxirfadiyomaamulaqoon;

  8. Howlaha dawlada laga ilaaliyo eex iyo qof-jeclaysi. • Xilalka dawlada loo dhiibo dad tusaale noqon kara, lehna maamul wanaag bulshadana ugu adeegaya si ku dhisan ixtiraam, islaweyni lahayn (humbleness). • In la abuuro dhaqan wada-shaqayn iyo iskaashi kaas oo ka dhexeeya dhamaan hay’adaha dawaladda. • In la abuuro hanaan tabashada iyo cabashooyinka muwaadiniinta lagu xaliyo;

  9. AMNIGA QARANKA • Somaaliya waxay u baahantahay hab cusub oo dib loogu dhiso awoodaha hay’adaha amniga Qaranka, lana dhiso hayado amni oo damaanad qaadi kara illaalinta xuquuqda dadka iyo tan deegaanka; • Xisbigu wuxuu mudnaanta siinayaa arrimaha amniga ee soo socda:

  10. In la dhiso lana horumariyo dhamaan hay’adaha amni qaran; In la dhiso lana horumariyo xoog boolis oo xirfad & awood u leh hirgeilinta sharciga & xaqiijinta amniga dadweynaha; In la dhiso lana horumariyo xoog difaac Qaran oo xaqiijin kara hadafka amniga qaranka; In la dhiso lana horumariyo hay’ada sirdoonka qaranka oo kartina u leh fullinta waajibaadkooda qaran;

  11. In la bedelo sawirka soo jireenka ahaa ee hayadaha amnigu inay yihiin aalado caddaadis, loona bedelo kuwo si anshax leh ugu adeega umadda. In loo fidiyo hay’adaha amniga taageero aaladeed (qalab), mid farsamo iyo kobcinta garaadka shaqaalaha; In la siiyo fursado siman dhammaan muwaadiniinta ku kala nool degmooyinka dalka inay ka mid noqdaan shaqaalaha amniga qaranku; In la aasaaso xidhiidh iyo iskaashi amni gobolleed iyo mid caalami ah si looga hortago danbmiyada abaabulan iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka.

  12. SIYAASADDA ARRIMAHA DIBADA. • Somalia waainaybeddeshosiyaasadihiifaashilkaahaaeedagaal-u-jooggaahaaeeSomaliyakaladhexeeyeydalalkajaarkaah; • Qorshahasiayaasaddaarimahadibaddaeexisbiga MQ wuxuukusalaysanyahay: • Xaqiijintaiskuxidhkaiyoxidhiidhlalasamynayowadamadagobolka& dalalkacaalamka.

  13. In la hirgaliyo hanaan nabadeed dhamaystiran, lana taageero iskuxidhka wadamada xubnaha ka ah urur goboledyada ay Somalia xubinta ka tahay; In mudnaan la siiiyo kor u qaadida awooda siyaasadeed loona marayo siyaasad xirfadaysan, cudud shaqaale oo tababaran iyo aqoon farsamo; Kaalin muuqata iyo waxqabad ay Somaliya ku dhex yeelato gudaha ururada kala duwan oo ay Somaaliya xubinta ka tahay.

  14. In xirii gaar ah lala yeesho dalalka ay ku suganyihiin muwaadiniin qurbojoog Soomaaliyed iyo kuwa matigeliyey qaxootiga Soomaaaliyeed, lagana shaqeyo daryeelkooda iyo dib u soo celintooda. In dib loo hagaajiyo sumcaddii xummaatay ee Soomaalida, lana soo celiyo tixgelintii ay Somaliya ku dhex lahayd buloshada caalamka; In la abuuro xiriir xisbigu la leeyahay xisbiyada kale ee gudaha iyo kuwa dalalka kale, si loo xoojiyo saaxiibtinimada, khibradaha la wadaago;

  15. DHAQAALAHA • Dib-u-curintadhaqaaluhuwuxuukusalaysnaandoonaakhayraadkadalkeenasidabeeraha, xoolaha, kaluumaysiga, kheyraadkamacdanta, iyokafaa-ideysigaganacsigastratejiga ah: • Diyaarintajawidhiirigelinayaganacsigagaarka ah taasokordhineysashaqoabuurka, halbawlana u ah kororkahantida. • Diyaarintasharcilaguhagomaarayntamaaliyaddaqaran, xakamayntakharshkadawladda, iyoilaalintahantidaguudeedawladda.

  16. Ka faa-ideysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo qiime-dhiska, warshadeynta iyo suuq-geynta xirfadeysan. Abuuridda jawi sahlaya maalgashiga sokeeye iyo ka shisheeye, lana abuuro dhaqaale fadhiya, kuna dhisan ganacsi kala duwan. Soomaliya noqoto suuq ganacsi oo xor ah iyo albaabka ganacsi ee isku xira Afrika iyo dalalka ku teedsan gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya. Mutnaan la siiyo horumarinta dhaqaalaha soo jireenka ah sida beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga lana casriyeeyo wax-so-saarkooda.

  17. GARSOORKA • Sanadkii 1991kii waxaa burburay dhamaan hay’adahii sharci dejinta, hayadihii kale ee shariciga wax ku xukumi lahaa, iyo kuwi xukun fulinta. • Tan iyo sanadkii 2000, shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti, waxaa la goa’amiyay in Shareecada islaamiga noqoto marjaca shuruucda dalka loo dejiyanayo. (DKM 3.1).

  18. Madaxdadawladdihinasomaraywaxaybaabi-iyeensareyntaqanuunkasi ay fursaduguhelaankutakrifalkahantidaguud. • UjeedooyinkaXisbigaMQ dhinacacaddaaladdawaa: • Ku dhaqankashareecadaislaamka, loo marayoItijihad , iswaaafajintaxeerarkadhaqankaiyodiinta. • Abuuristanidaamsharcidejinoomadaxbanaan, kana hawlgalaheerqaran, goboliyodegmo; • Dib u dhiskaiyodayactirkawixiikaharaykaabayaashiihay’adihiisharcigadejinta;

  19. Samaynta qaab tababar joogto ah oo abuura shaqaale daacad ah, tayo iyo aqoon u leh, mihnadooda shaqo; Sugidda xuquuqda dhaqaale, caafimaad iyo degaan si hawlwadeenada u helaan nolol fiican; Si loo helo caddaald sugan, in si weyn loola diriro laaluushka, iyo eexda ku habsatay garsoorka. Dib u habayn in lagu sameeyo nidaamka xabsiyada iyo ciidanka asluubta iyo booliska, lana helo nidaam lagu ilaaliyo sharafta insaanka.

  20. DARYEELKA CAAFIMADKA • Tan iyo 1991, waxaa burburay dhamaan kaabayaasha caafiaamadka. Shaqaalihii aqoonta u lahaa caafimaadka ayaa qaarna dhinteen, qaarna carareen, kuwa kalena noqdeen hawlgab; • Hayado ganacsi gaar ah, iyo kuwo samafal wadani iyo caalami isugu jira ayaa la wareegay dhamaan adeegyadii caafimaad sida: xarumo caafimaad, daaweynta, soo dejinta daawada, soo saarka xirfadlayaal iyo dhaqaatiir; 

  21. Xisbiguwuxuumuhimadsiindoonaabarnaamijkaaasaasigadaryeelkacaafimaadka:Xisbiguwuxuumuhimadsiindoonaabarnaamijkaaasaasigadaryeelkacaafimaadka: • Dardargelintacaafimaadaasaasiga ah: fayadhowrka, daryeelkahooyadaiyocaruurta, iyociribtirkacuduradafaafa. • Abuuristanidaamqaranooiskuxiran, ookadhexeya: dawladda, ganacsatadaiyohay’adhaasamafalka. • Abuuristagoobahacaafimaadeedawladdeedsidaisbitaalada, xaruumahaMCH, iyofarmashiyaalootayosareleh;

  22. Horumarinta shurrurcda iyo hanaanka lagu maamulo caafimaadka, iyo diiwaangelinta xirfadlayda caafimaadka, lagana ilaaliyo been-abuurka; Sugista caymiska  daryeel caafimaad, lana waafajiyo mabaadiida islaamka iyo kan ganacsiga gaarka ah, loona dhigo hanaan lagu tashan karo;

  23. WAXBARASHADA • Waxbarashaduwaafurahabeeristashaqsiyaddawaddaniyadeed, saldhigna u ah isdhexgalkabulshada. • XisbigaMidnimoQaranwuxuuaaminsanyahay in SoomalidutahayJinsi Islam, Afrikaaniyocarab ah, kaladuwanaashahanainuufaaiido u yahayxiriirkaaan la leenahayummadahakaladuwaneeaanmaantakamidkanahay.

  24. Bilawgii dagaalkii sokeeye , haykalkii waxbarashada wuu burburay, dib u noolaynteediina waxaa gacanta ku dhigay uururrada buslshada iyo ganacsato, kuwaasoo abuuray nidaam waxbarasho oo aan dawlad ku tiirsanayn. • Waxbarahada maanta jirta waxaysan lahayn mabaadiida hogaamin iyo manhaj haga oo qaran, halbeegyo isku mid ahna leh, waxaana maqana cududu shaqaale oo u tababaran.

  25. Haddababarnaamijkaxisbigaeewaxbarashadawaasidansoosocota:  • Siyaasaddaqarankaeewaxbarshaduwaainuuxoojiyomidnimadaqaranka, horumariyodareenkawaddaninimo, dhaqankadimoqraadiga ah iyoilbaxnimomasuuliyadaysan. • Abuuristagoleqaranoohagawaxbarashadahooseiyo tan sare, kaasooawood u haystaqorsheyntaiyodejintahalbeegyadamanahijtatacliinta; • In la abuuroiskaashidawladdaiyoganacsigaxortaah eexaggamaalgashigaiyohormarintatacliinta.

  26. Dhaqangelinta waxbarashada aasaasiga oo lacag la’an la siiyo  dhamaan caruurta, una siman yihiin ragga iyo haweenka; In la abuuro macaahid teknoolajiyadeed iyo xaruumo soo saara dad leh mihnado farsamo kala duwan, shaqo abuurna u sameeya dad badan; In wax lagu barto Af-ingriis , sidoo kalena Somali iyo carabigu loo qaato  luqadda rasmiga  ee waxbarashada manhajka iyo barnaamjiyada. In hanaan waxbarasho loo abaabulo dadka dadka waweyn, kuwa laxaadka dhiman, sida: curyaaminta, indhoolayaasha, dhagoolayaasha, iwm.

  27. DARYEELKA BULSHADA • Dagaalkii sokeeye wuxuu keenay dhib bulsho oo aad u weyn, una baahan in Dawladda, xoogaga bulshada ,hay’adaha aan dawliga ahayn iska kaashadaan. • Kooxaha daryeelka u baahan waxaa ka mid ah: agoonta,caruurta aan waalidkooda la aqoonin, curyaamada, dadka da’da ah, kuwa dhimirka looga jiro, fuqarada, barakacayasha, qaxootiga so noqday, iyo dadka laga tira badahnyahay inay helaan xuquuqdooda dhaqan-dhaqaale (DKM 27;5);

  28. In la dhiiri-geliyo abuurista ururo bulsho oo ka wada shaqeeya danaha u gaarka ah kooxahaas dhibaataysan iyo inay ka qayb qaataan siyaasadaha la xiriira danaha kooxahaas. • Xisbiga wuxuu habeyn doonaa isku-xirka iyo wada-shaqaynta hay’adaha dawladda, kuwa gaarka loo leeyahay, Ururada bulshada, kuwa samafalka, kuwa waqfiga, iyo kuwa sakada- si looga adkaado faqriga.

  29. TAYAYNATA IYO KOBCINTA HAWEENKA • waxaa nasiib darra ah in qaybo ka mid ah dhaqanka iyo islaamka si khaldan loo fahmay taasna ay sababtay in dumarka fursadooda ku aadan ka qayb galka siyaasadda, arimaha bulshada , iyo dhaqaalaha la hor istaagao.. • Aqoonta islaamka oo kobocday iyo fahamka dhex-dhexaadka oo xogaystay, iyo korniinka ururada bulshada waxay sababeen dawrka dumarka oo kor soo aaday dhinaca tacliinta, dhaqaalaha iyo siyaasadda. • Hadafka xisbiga ee ku aadan dumarka waa ‘ in la horumariyaa loona abuuraa dumarka soomaliyeed fursado ay uga qayb qaadan karaan siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha;

  30. Xisbigu wuxuu u ololeey doonaa in siyaasadaha dawladda lagu daro arimaha horumarinta haweenka; Xisbigu wuxuu xaqiijin doonaa in si siman ragga iyo dumarkuba uga fa’idaystaan barnaamajyada daryeelka bulshada sida tacliinta qaybaheeda kala duwan, caafimaadka, shaqo siinta, iyo adeegyada kaloo dhan. In loo ololeeyo in dumarku in si mug leh u bartaan diinta islaamka si loo soo saaro dumar aqoon sare u leh diinta islaamka oo difaacaan kara xuqquuqdooda;

  31. Xisbia wuxu u ololeyn doonaa barnaamajyo loogana hortago shaqaaqooyinka guryaha ka dhaca, gudniinka fircooniga ah, iyo cunsurinimada logula dhaqmo haweenka. Horumarinta, dhiirigalinta iyo kobcinta dumarka si ay uga qayb qaataan dhismaha dawladda, goa’an qaadashada arimaha qoyska, bulshada, xisbiga iyo dawladda. Samaynta ururo bulshadeed dumar, Hay’adaha aan dawliga ahayn ee heer federaal, mid gobol, mid degmo iyo qoobaha dumarka qurbajoogta, ayagoo kaalin mug weyn ku leh arrimaha midnimada qaran.

  32. TAYAYNTA IYO KOBCINTA DHALINYARADA • Dhallinta soomaliyeed waxaa lagu qiyaasa iney yihiin bar tirade guud ee waddanka, taas oo ka dhigaysa soomaliya waddan dhalinyaro. • Dhibaatooyinka dhallinta waxaa ka mid ah shaqo la’an, ka qayb-qaadashada siyaasadda oo kooban, qalabka iyo garoomada ciyaaraha oo burbursan, aqoon darro, tababar la’an baahsan, hoos u dhaca iyo xagjirnimo qabiil iyo mid diineed. • Xisbiga barnaamijkiisa ku aadan Tayaynta iyo kobcinta dhallintu waa:

  33. In siyaasadaha qaranka lagu daro hirgalinta barnaamijyada khuseeya dhallinta iyadoo lala kaashanyo hay-adaha aan dawliga ahayn. Abuurista golayaal hoggaan dhallinyaro oo dhalinta ku haga ka qaybgalkooda arimaha bulshada , dhaqaalaha , siyaasadda iyo dib-u-dhiska. Dhiiri galinta abuurida ururo bulsho dhalinyaro kana abuurmaan heer federaal, mid gobol, mid degmo iyo qurbajoogta;

  34. Horumarinta dhismaha jirka, anshaxa iyo ruuxda dhallinyarada, dareenkooda wadaninimo iyo fahamkooda qiyamka islaamka, lana hakameeyo xag-jirnimada. Dhiirigalinta in la abuuro barnaamijyo tababaro farsamo iyo shaqo abuur; Dhaqan-celinta kuwa ku fogaaday balwadaha iyo xagjirnimada, xanaanaynta, curyaamada, ciyaalka lagu shaqaysto, caruurta la askareeyo, iyo agoonta.

  35. TAMARTA • Soomaliya waxay qani ku tahay khayraadkeeda kala duwan ee aan wali lasoo saarin, sida betrool, gaaska, yuraaniyaam, biro kala duwan, cusbo iyo kuwa kaloo abdan. • Sidoo kale, maadaama Soomaliya ku taallo dhulbaraha dunida waxay qani ku tahay tamarta qoraxda iyo dabeysha oo laga dhalin karo koronto badan. Labada webi ee Juba iyo Shabelle sidoo kale waxaa laga dhalin karaa tamarta korontada. • Kolkii dawladdii dhexe bur-burtay waxaa la burburay warshadihii korantada dhalin jiray, waxaa badalay shirkado yar yar oo shida matoorro yar-yar oo qiimahoodu aad qaali u yahay.

  36. BarnaamijkatamartaeeXisbigu MQ waa: In la dhimoisticmaalkatamartadhulkahooselagaqodo lana badiyo ka fa’ideysigatamartalagadhaliyoqoraxda, dabaysha, biyahaiyokulkadhulkahoose (geothermal); In la dhimobaahidalooqaboisticmaalkadhuxusha , alwaaxda si looyareeyosaamayntabay’adaloonajoojiyodhoofintooda. In la diyaariyoshaqaleaqoon u lehsoosaarkatamartaiyoadeegsigaaaladdatiknoolajiyadalooisticmaalotamarta.

  37. In la soo saaro betroolka iyo gaaska, lana ilaaliyo bay’ada, lagana dhowro ku tagrifalka shirkadaha shisheeye, lana socda sicirada suuqa caalamiga. Dib-udhiska xarumo dhaliya tamarta iyo iskuxirka shabakad korantada qaranka, si waafaqsan heerka caalamiga ah. Abuurista iskaashi caalami ah iyo mid goboleed ee korontada, iyo in la ilaaliyo heshiisyadii caalamiga ee wax-ku-ool u aha dalkeena.

  38. BAY’ADA • Hoos u dhaca ku yimaada tayada bay’ada wuxuu ka mid yahay arimaha ugu waawayn ee sababa faqriga. • Bay’ada oo xumaata waxaa ka mid ah hoos u dhaca tayada carrada, biyaha iyo hawada. Waxaana tirtirma noocyo qaali ah oo ka mid ah duur-joogta, geedaha iyo kallunka. • Si loo xafido bay’ada, waxay u baahan tahay go’aan siyadsadeed iyo sharciyayn looga hortagayo xadgudubyada loo geysto bay’ada. • ‘Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu helo bay’o nadiif ah oon khatar ku ahayn cafimaadkiisa, waana in laga ilaaliyo bay’o sumaysan iyo shay walbo wax u dhimi kara. (DKM 25:1)

  39. Xisbiga MQ borograamkiisabayaduwaasidan: In degdeg loo joojiyoxawligahoos-u-dhacabay’adaeehaddataagan; In dib-loo sooceliyonidaamkiidabeecigaahaaeekoritaankabay’adaasaliga ah. In la sameeyowacyigalinmuwadinintalagubarayoahmiyadaay leedahaywanaajintabay’ada, kana qaybqaataanwanaajinteeda. Horumarintasiyaasadahalaguilaaliyomaarayntabayadaiyokhayraadkadabiicigaah;

  40. ISGAADHSIINTA • Helitaanka isgaadhsiin lagu kalsoonaan karo waa arimaha ugu muhiimsan ee qayb qaata horumarinta dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee qaran walba. • Markii dawladii soomaliyeed burburtay 1991kii , shirkado isgaadhsiin gaar loo leeyahay ayaa soo baxay; Waxayna 1998dii samaysteen Isu tagga shirkadaha isgaadhsiinta soomaliyeed. • Xisbiga MQ waxaa hadaf u ah in la abuuro iskaashi wada shaqayn oo dhex-mara dawladda iyo shirkadaha isgaadhsiinta;

  41. BarnaamijkaXisbigaeekuaaddanisgaadhsiintawaasidan: Waa in la hirgaliyaasharciggaisgaadhsiintaooilaalinayadantamuwaadiniintaiyo tan shirkadahaisgaarsiinta. Waa in shirkadahaisgaadhsiintu is wadawicikaraan kana heshiiyaanqaabka ay lacagahaiskusiinayaan, si loo ilaaliyodantashacabkaiyomiddashirkadahaba. Dhiirigalinisgaadhsiintacasriah, internetkaiyoarimaha la xiriirasi loo horumariyodhaqaalaha, isdhex-galkabulsho, waxbarshadaiyocaafimaadka.

  42. In laso xidho xiriir hay’adaha isgaadhsiinta caalamiga si looga faa’idaysto khibradaha dunida kale. In la raadiyo maalgashi caalami ah oo isgaadhsiineed lana ilaaliya danaha muwadiniinta, shirkadaha wadaniga ah iyo amniga qaranka. Dhiiri-galinta khubaro aqoon u leh isgaadhsiinta casriga ah si aan looga hadhin xawliga isbadalka teknolojiyada isgaadhsiinta.

  43. SAXAAFADDA • Tan iyo 1991kii, waxaa soo baxay shirakado tira badan oo saxaafadda ka shaqeeya gudaha iyo dibadaba. Wax sharci ah oo xakamaynaya maysan jirin tan iyo 2007dii. • Saxaafaddu waa iney horumarisaa wacyi galin guud, aqoon, iyo iney faafiso fikir iyo xog sax ah.

  44. Barnaamijkasaxaafaddaeexisbiga MQ waa: In labuurodhaqansaxaafadeedilaaliyamidnimoqaranhorumarintabulshada, kana hortagafaafintanacaybka. In la xaqiijiyoxornimadasaxaafaddalanaogolaadoheliddaxogtasidaku cad dastuurkaku-meelgaarkaah. In lagahortagoin saxaafddaay faafisoxog been abuur ah oolagudhaawacayoamnigaqarankaiyotan muwaadiniinta. In la hirgaliyoqodobkaanshaxasaxaafadda, lanakaashadotaladaiyoaqoontashaqaalahasaxaafadda.

  45. Abuurista golaha qaranka ee saxaafadda oo madax banaan, waana gole ay ku tashtaan xirfadlayda saxaafadda. Abuurista xeerka lagu ilaaliyo adeegga bulshada (ii-dheda) si loo hanto anshaxa iyo dhaqanka islaamka. in macaahidda iyo jaamacadaha lagu dhiiri galiyo inay soo saaran shaqaale saxaafadeed oo aad u carbisan, lana horumariyo af Soomaliga saxaafadda. Dhiirigalinta xiriir saxaafadda gudaha iyo tan dibadda si ay isu waydaarsadaan khibradaha, xogta iyo tababaarda.

  46. GAADIIDKA IYO JIDADKA • Gaadiidku wuxuu muhiim u yahay si loo gaaro suuqa iyo adeega asaasiga ah, iyo isu -socodka dadka iyo badeecada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka dalka. • Goobta joqoraafi ee Somalia kaga taallo Afrika waxay fursad u tahay in laga faa-ideysto isku xirka gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ee wadamada Geeska Afrika, Carabta iyo dalalka Asiya.

  47. Siyaasaddaxisbigaeegaadidkuwaa. In la sameeyaasharciyolaguilaaliyoammaankagaadiidkaiyoisu-socodka, La dhisokaabayaashajiadadka, buundooyinkaiyodekedahasi loo gaarogoobkastaoodalka ah, qiimejabannalaguadeegto. Horumarintaiyodhismahakaabayaashagaadiidkaiyoganacsigawaainay la jaanqaadaadhowristabay’ada; Abuuristaiskaashigudahaiyo mid caalamisiloo si loo dhiso, loonacasriyeyomaarayntagaadiidkaiyokaabayasha.

  48. In ahmiyadda gaar ha la siiyo abuurista dekedo iyo jidad isku xira xeebaha dalka si loo maalo khayraadka badda iyo xeebaha ugu dheer Afrika. Soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo iskaashi si loo abuuro kaabyaasha gaadiidka sida jidadka tareenada,dakadaha,garoonada diyaaradaha iyo jidadka waaweyn.

  49. Soo saaridda xoog shaqaale oo tababaran kana shaqeeya qayabaha gaadiidka, waxaana soo saari wadashaqayn lala yeesho jaamacadaha, macaahidda tababarka iyo kolajyada farsamada gacanta. Horumarinta iyo iskaashiga xiriirka caalamiga ah ee gaadiidka si laisu -waydaarsado khibradaha loona sameeyo ganacsi la wadaago.

  50. SOOMALIDA QURBAJOOGTA AH • Waxaa lagu qiyaasaa 20% oo u dhiganta laba milyan oo muwaadiniin Soomali ahi iney ku noolyihiin dibadda. • Bangiga aduunku wuxuu ku qiyaasay qurbajoogtu sannad waliba iney dalka uso diraan lacag ka badan hal bilyaar $$. • Maalkan wuxuu aadaa ganacsiga gaarka ah, hantida maguurtada ah, tacliinta qoyska, iyo nolosha reeraha.

More Related